skip to Main Content

Wararkii ugu danbeeyay diyaarad ku burburtay garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde

By isxaaq Rashiid Diyaarad ay leedahay Shirkadda Hala Airlines oo ka timid Magaalada Garoowe, isla markaana siday Dad Shacab ah ayaa ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

 

Waxaa jira khasaaro dhaawac ah oo kasoo gaaray dadkii rakaabka ahaa ee saarnaa iyo burbur soo gaaray diyaaradda, sida ay sheegeen Dad Goobjoogayaal ah.

 

 

Gurmad ayaa loo fidiyay qaar kamid ah dadkii saarnaa diyaaradda ee ku dhaawacmay, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah Isbitaallada kuyaalla Magaalada muqdisho si loogu daawaayo.

 

Goor sii horeysay ayaa Warar soo baayay waxaa ay sheegayeen inay diyaaradda saarnaayeen ra’iisul Wasaarayaashii hore ee Soomaaliya ee Cabduweli Gaas iyo Cumar Cabdirashiid balse warkaas la beeniyay

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top