skip to Main Content

Warshad soo saareyso gawaarida oo laga hirgaliyay degganka somalida

Waxaa la daah-furay Warshada gawaadhida ee Suways Motors oo ay ku baxday lacag dhan 250 Milyan oo Birr.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa daah-furay warshada Suways Motors oo ah warshad soo saaraysa noocyada kala duwan ee baabuurta oo ay maalgeliyeen muwaadiniin udhashay Deegaanka Soomaalida.

Warshadan oo shaqada billowday 2019-kii G.c kuna billowday gaadiidka yar-yar ee saddex taayirayda iyo baajaajyada ayaa ballaadhisay shaqooyinkeedii taasi oo hadda udigo-rogotay inay farsamayso baabuurta raaxada iyada oo maalintii awooda inay soo saarto 5 gaadhi.

Madaxweynaha DDS, mudane Mustafe Muxummed Cumar ayaa sheegay in daah-furka warshadani ay ka marag kacayso isbaddalka ballaadhan ee aynu ku talaabsanay sanooyinkii lasoo dhaafay.

“Kaddib markii aan aragnay furfurnaanta gancsi ee kajirta Deegaanka Soomaalida, amniga iyo xasiloonida guud ee ay bulshadu heleen isbaddalkii kaddib ayaannu kusoo dhiiranay in aanu maalgashano oo aanu ku aamino hantidaanada; dawladduna way ku mahadsantahay doorkeedii garab istaaga”, Cabdi Nuur Xuseen Agaasinka Shirkadda Suways Motors.

By Ayanle Dhiire 

Deegaanka Soomaalida oo horey uga aradnaa dhinaca Warshadaha waaweyn ayay isbaddalkii kaddib soo baxayaan ifafaalooyin la mahadiyo oo ah dhinaca warshadaha waxtarka uleh bulshada walow wali ay socdaan daddaalo kale oo kuwajahan maalgelinta dhinaca warshadaha waaweyn ee Deegaanka.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top