By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Wasiir Aden Bare Duale oo dignin adag u diray kooxaha Argagixiso’
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Wasiirka wasaaradda difaaca ee dalka Aadan Barre Ducaale, ayaa sheegay in dowladda Kenya ay dib u casriyeen ku sameyn doonto ciidamada difaaca wadanka ee KDF-ta iyo booliiska, si loo soo afjaro weerarrada kooxda Al Shabaab ay ka gaysata gudaha dalka.
Waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka wadanka ay adeegsan doonaan gawaarida gaashaaman ee casriga ah oo awood u leh inay ogaadaan walxaha qarxa ee meelaha fog laga hago.
Ducaale oo ka hadlayay goob fagaare ah oo ku taalla magaalada Masalani ee deegaan baarlamaaneedka Ijara ee ismaamulka Garissa ayaa sheegay in dowladda aysan mar dambe oggolaan doonin weerarro argagixiso oo ka dhaca meel ka mid ah Kenya.
Wasiirka wasaaradda gaashandhigga ee dalka ayaa ku amray dhammaan saraakiisha maamulka inay ka soo baxaan shaqadooda ama ay isaga tagaan.
Dhanka kale, barasaab ku xigeenka ismaamulka Gaarisa, Cabdi Dhaqane ayaa wacad ku maray in ay gacan ka gaysan doonaan howlgallada lagu soo afjarayo weerarrada ay kooxda Al-Shabaab ka gaysato dowlad deegaanakaasi.
This Post Has 0 Comments