Skip to content

Wasiir karoore.dadka ku dagalamaya aagga Cadale iyo Raaga ceelle waa As kale

By isxaaq Rashiid Maamulka Hir-Shabeelle ayaa si kulul uga hadlay dagaal beeleedyo soo laab laabtay oo kajira degaano katirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo isku geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Cabdi Daahir Guure ( Karoore) ayaa sheegay in colaadda ka taagan degaannada hoostaga degmooyinka Cadalle iyo Raaga-Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ay tahay mid caqabado badan ku heysa Bulshada.

Wuxuu sheegay in ay la kulmeen dhinacyada ku dagaalamay degaannada hoostaga Cadalle iyo Raaga-Ceelle, isla markaana ay ka codsadeen inay dhaqan geliyaan waxyaabihii ay ku heshiiyeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Hir-Shabeelle Cabdi Daahir Guure ( Karoore) wuxuu hadalkiisa uu intasi kudaray in dowladda Soomaaliya iyo Bulshada kunool Gobolka Shabeellaha Dhexe ay og yihiin Colaadda labada Beeled loona baahan yahay inay ka qeyb qaataan deminta colaadaas, isaga oo dalbaday in Ciidamo loo soo diro si ay u kala dhex-galaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top