By Abdinajib Abdullahi (Boundless media)_Istraatiijiyada dalalka reer galbeedku ka lee yihiin dalalka kale ee danahoodu…

Wasiirka Arrimaha Dibada kenya oo shegay in la fafinaayo muuqalo been Abuur Ah!
By Ayanle Dhiire
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta dalka Dr. Alfred Mutua oo shir jaraaid qabtay ayaa sheegay in dowladda Kenya ay si dhow isha ugu hayso rabshadaha iyo boobka hantiyadeed ee la gaysanayay maalmihii ugu dambeeyay oo ay qaadi doonto tallaabooyin wax ku ool oo ka dhan ah falalkaasi.
Waxaa uu sheegay in hadda ay jiraan dad badan oo wadanka imaanaya maadaama ay ku kalsoon yihiin.
Mutua ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda dhexe ay ku dadaalaysa sidii Kenya ay u noqon lahayd meel loogu soo hirto arrimaha ganacsiga, maalgashiga iyo dalxiiska.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inay jiraan muuqaallo badan oo lagu faafinaya baraha bulshada kuwaasi oo aan ka turjumayn xaaladda dhabta ah ee dalka ka taagan.
Mutua ayaa xusay in muuqaalladan ay yihiin kuwo dacaayad ah oo dib loo habeynaya si sawir khaldan looga bixiyo marxaladda siyaasadeed ee wadanka
This Post Has 0 Comments