Skip to content

Wasiirka difaaca Kenya ayaa soo gaaray muqdisho

By isxaaq Rashiid Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada ka dhanka ah ASĀ  iyada oo Wasiirka Difaaca Kenya uu la kulmi doono Madaxda Sare ee dowladda Soomaaliya.

Dowladda Kenya ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga kumanaan Askari oo ku howlgalla Magaca ATMIS, iyaga oo ku sugan degaano iyo degmooyin katirsan dowlad Goboleedka Jubbaland.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top