Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Wasiirka gaashandhigga DFS oo war ka soo saaray duqeymaha iyo dagaalada hirshabeelle ka socda
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga, isagoo ku dhawaaqay in howlgalka dalka looga sifeynayo Khawaarijta uu galay marxalad cusub oo xooggan, ayna sii xoogeystay dadaallada xoreynta dalka.
Wasiirka ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha Macawiisleyda ay guulo waaweyn ka gaareen dagaallo isdaba joog ah oo ka dhacay Geel-Gub, Sabiib, Canoole, Barjaale iyo nawaaxiga Aadan Yabaal. Howlgalladaas waxaa lagu dilay horjooge sare oo Khawaarij ah iyo ilaaladiisii, iyadoo ciidamada Qaranku hadda in ka yar 3km u jiraan degmada Aadan Yabaal, lagana filayo in saacado gudahood si buuxda looga xoreeyo.
Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in muddo 72 saacadood gudahood ah, in ka badan 120 maleeshiyo Khawaarij ah lagu dilay dagaalladii ka dhacay gobollada Hiiraan, Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose iyo Jubada Hoose. Tani waxay muujinaysaa heerka firfircoonaanta ciidanka iyo dadaalka joogtada ah ee lagu xoreynayo dalka.
Wasiir Fiqi wuxuu caddeeyay: “Xoraynta deegaannada Khawaarijtu ku dhuumaaleysanayaan ma istaageyso. Waa dagaal qaran. Waxa naga go’an in Khawaarijta laga suuliyo dalka oo dhan – deegaan deegaan, tuulo tuulo, illaa laga ciribtiro gebi ahaanba.”