by isxaaq Rashiid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ballaarinaya latashiyada ku aaddan…

Wasirka gadiidka iyo wadoyinka kenya oo cambareyay Falkii lagu burburiyay wada Nairobi Expresway
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Mr. Kipchumba Murkomen ayaa cambaareeyay tallaabadii ay shalay dad dibadbaxayey ku burburiyeen qayb ka mid ah waddada wayn ee Nairobi ExpressWay.
Waxaa uu wasiirka sheegay in xafiiskiisa uu qaaday tallaabo degdeg oo arrinkaasi ka dhan ah.
Murkomen ayaa xusay inuu la xiriiray waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da si baaritaano loo sameeyo oo gacanta loogu soo dhigo shakhsiyaadkii gaystay burburkaasi.
Waxaa uu wasiirka gaadiidka hoosta ka xarriiqay in qaran ahaan aanan marnaba la caadeysan karin rabshadaha , burburka iyo kala dambeyn la’aanta iyadoo qiil laga dhiganaya adeegsiga xuquuq siyaasadeed.
Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran ee dalka Prof. Kithure Kindiki ayaa cambaareeyay rabshadihii shalay dhacay ee sababay dhimasho , dhaawac iyo burburinta kaabayaasha wuxuuna xusay inay socdaan baaritaano lagu soo xiraya dadkii dhibaatooyinkaasi ka dambeeyay
This Post Has 0 Comments