By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…
Wasirka Gadiidka kenya oo shegay in shaqada laga eryay sarkal uu madaxweynaha Carabaabay
By Ayanle Dhiire
Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo waddooyinka ee dalka Mr. Kipchumba Murkomen ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in bishii Shanaad ee sanadkan shaqada laga eryay haweeney uu shalay madaxweynaha wadanka William Ruto carrabaabay oo uu xusay inay musuqmaasuq sameyso balse aan xita lagu guulaysan in wasaaradda waddooyinka laga wareejiyo
Ruto ayaa sheegay in mar kasta oo haweeneydan la isku dayo in meel kale loo wareejiyo ay maxkamadaha dacwad u gudbinaysay iyadoo sida uu hadalka u dhigay laaluush bixinaysa si ay u sii joogto wasaaradda waddooyinka.
Arrintan ayuu hoggaamiyaha dalka tusaale u soo qaatay xilli uu ka hadlayay heerka musuqmaasuqa ee ka dhex jiro waaxyaha dowladda sare.
Waxaa uu wasiirrada, xoghayeyaasha joogtada ah iyo madaxda fulinta ee hay’adaha dowliga ah ku amray inay xaqiijiyaan in aan lagu tagriifalin kheyraadka dadweynaha.
Murkomen oo ka jawaabayay hadalka madaxweynaha ayaa qoraalkiisa ku sheegay in haweeneyda uu shalay soo hadal qaaday shaqada laga joojiyay bishii Shanaad ee sanadkan oo aynan hadda ka howlgelin wasaaradda gaadiidka
This Post Has 0 Comments