By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Ibraahim Barre oo ku sugan degmada Walanwyen…
Wax ka ogow wilka mudada gaaban caanka ka noqday Barta Facebook
By Ayanle Dhiire
Maxamad-Xamdi Xasan waa wiil yar oo 14 sano jir ah, kuna nool Gobolka Afdheer ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaana degmada Hargeelle, ayaa noqday qofka ugu hadal haynta badan baraha bulshada ee Soomaalida ee toddobaadkan ka dib markii sawirradiisa oo uu soo dhigay barta Facebook ay soo jiiteen dad badan oo soomaali ah.
15 sawir oo uu isku mar soo dhigay bartiisa oo aan hore dad badan ugu xirnayn ayaa waxaa ka falceliyay dad kor u dhaafaya 45,000 oo qof.
Maxamad-Xamdi ayaa durba waxa Meesha ka baxay magiciisii ay reerkoodu ula bexeen, ka dib markii uu caan ku noqday Xiddiga Hargeelle oo ah magaca cinwaankiisa barta Facebook-ga.
Haragelle oo sharraxaya waxa uu ku qaato nolol maalmeedkiisa ayaa yiri “ waxa aan ku noolahay magaaladan, waxaanan la noolahay walaaladee iyo hooyadey, Dugsi ayaan dhigtaa, dugsiga marka aan ka soo baxana waxa aan ka shaqeeya farmashigan walaalkey iga weyn uu i kala baray ayaan la gadaa, duhurka marka la gaarana dugsiga ayaan aadaa oo farmashiyaha waan xiraa”.
Xiddigga Haragelle ayaa wax laga weydiiyay halka uu ka marayo waxbarashada ayaa yiri “iskuulka hadda waxa aan ahay fasalka 6-aad aniga oo sanadkan u gudbaya fasalka 7-aad ee dugsiga hoose dhexe,” ayuu yiri.
Wiilkan yar ayaa Soomaalidu waxay ku soo dhaweeyeen Facebook-ga si lama filaan ah iyagoo ka bixinaya faallooyin kala duwan, laftigiisu waxa uu sheegay in arrintaasi ay ku noqotay lama filaan, waxa uuna yiri “arrintan waxa ay igu noqotay filan waa, waxana aan dareemay farxad aanan waligey dareemin, markii hore waan qaadan waayay laakiin markii dambe qaatay in dad badani ii taageerayaan”.
Harageelle ayaa sheegay in marka uu soo dhigayay sawirrada uusan ka lahayn ujeeddo gaar ah balse uu iska soo dhigay oo kaliya, waxa uu tilmaamay in uusan ka lahayn qorshe gaar ah, balse sida ay dadka caadiga ah u isticmaalayaan Facebook-ga si la mid ah oo kaliya uu u soo dhigay sawirrada.
Waxaa uu ka hadlay falcelinta uu kala kulmay bulshada gaar ahaan halka uu ku nool yahay oo markii hore uusan saameyn badan ku lahayn isagoo yiri “ waxa aan arkay dadkii oo dhan la’i wada raadinayo, kuwa magaaladan aan ku noolahay iyo dad kale oo iga yimid magaalooyin kalaba, waxaa isoo raadiyay wariyeyaal badan oo xitaa iiga kala yimid magaalooyin kala duwan, dadka oo dhanna waxa ay ila galayaan sawirro”.
Soomaalida adeegsata barta Facebook-ga ayaa ku tilmaamay wiil yar oo shaqeysanaya islamarkaana doonaya inuu dhinaca Facebook-ga wakhti kula qaato bulshada qaybaheeda kala duwan iyagoo dhinaca fikradaha dadweynaha ama commentiyada u mariyay dhambaal soo dhaweyn ah, taa mid la mid ah waxa uu sheegay in dadka qaar ay farrimo aan wanaagsaneyn ama aflagaado ah u dirayeen.
Magaciisa saxda ah oo ah Maxamed-Xamdi ayuu sheegay in dadku hadda aysan ugu yeerin, taa badalkeedana uu sheegay in ay ugu yeerayaan xiddigga Haragelle oo ah magaca ugu qoran Facebook-ga islamarkaana uu ku caan baxay, waxa uuna sheegay in magacaasi uu haatan u hirgalay.
Xidigga Haragelle ayaa sidoo kale u mahadceliyay guud ahaan Soomaalida baraha bulshada isagoo yiri “Umadda Soomaaliyeed heerkan maanta aan gaaray iyaga ayaa ii gaarsiiyay, dhamaantoodna waxa aan leeyahay hambalyo, hambalyo meel kasta oo ay joogaan ayuu yiri.”
Waxa uu sheegay in farriimo badan looga diray dhinaca farriimaha gaarka ah kuwaasi oo gaaraya ilaa 3,000 oo farrimood, waxaa intaa dheer in soo bandhigista sawirradiisa ka dib magiciisa lagu sameysatay ciwaanno kale islamarkaana lagu baahiyay farriimo uusan isaga dirin.
Farrimaha waxa ka mid ah in codsi loo diray madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud isagoo ka hadlayana waxa uu yiri, “ ma jirto farriin aan u diray madaxweynaha Soomaaliya, waxaa jira boqollaal boggag ah oo been abuur ah islamarkaana aanan waxba ka ogeyn, waa abeen abuur dhexda laga abuurtay farrintaasi” ayuu yiri.
Wiilkan 14-jirka ardayga ah ayaa haatan waxa boggiisa ku xiran kumanaan dadweyne ah, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay dadka si xowli ah ugu soo biirayaan.
This Post Has 0 Comments