Skip to content

Waxaa la shaaciyay xiliga uu furmayo shirkii uu iclaamiyay mw Xasan sheikh

Waxaa maalinta barri ah oo ku beegan 16-ka bishaan ka furmaya magaalada Muqdisho Gogoshii uu dhawaan ku baaqay Madaxwaynahaa Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.

Shirka ayaa waxaa ka qayb gelaya wufuud kala duwan oo ka kala imaanaya gudaha Dalka iyo dibadda, waxaana dhanka kale dhamaystirkii ugu danbeeyay ku jira diyaar garawga gogasha oo ay wadaan guddi gaar ah oo xukuumaddu u saartay taabagalinta shirka, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.

Gogoshaan ayaa Madaxda Qaranku waxa ay wadatashi la yeelanayaan indheergaradka Soomaaliyeed, iyada oo xoogga la saarayo arrimaha mudnaanta u leh Qaranka, sida Midnimada dalka, Amniga, Dastuurka iyo Doorashada.

 

 

Maanta ayuu qorshuhu ahaa in la qabto shirka, inkastoo uu maanta baaqday, lamana oga in xubnaha ka qeyb geli doono shirka iyo qodobada xasaasiga ah ee laga doodi doono.

 

 

Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa horyimid shirka, iyagoona shuruud ka dhigay in la cadeeyo anjedaha shirka looga hadlayo iyo shirka la keeno maamulada Puntland iyo Jubbaland.

Back To Top