Skip to content

Welwel ayaa ka taagan dhamaadka galbeed ee magaalada Portland markii qof dumara gadaal laga weeraray

Ridwan Ali

Kani wuxuu ahaa uguyaraan weerarkii afaraad ee lagu qaaday dumarka xaafada ilaa bishii (October)10-naad ee lasoo dhaafay, inkastoo dhacdadii tan ka horaysay ay lahayn gacan ka hadal lakin tan uu ku dhuftay bud kadibna loo yeedhay boliska kadibna dhibanaha loo qaaday isbitaalka.

Markhaati ayaa booliska u sheegay inuu weeraruhu ahaa nin cad xidhana funaanad sibidhi ah iyo koofiyad.

Afhayeenka booliska David Singer,  ayaa sheegay inay faahfaahin dheerada soo saaridoonan dhamaadka arbacada.

Dadka ku nool xaafada galbeedka Portland ayaa digniin udiray dadka reer Portland sheegayna inay arkeen weerar kale lana sheegay in loo malaynayo inuu kadanbeeyo weerarkan hal qof.

Hay’ado ka dhisan magaalada Portland ayaa sameeynaya fasalo lagu barayo dadka Portland sida la’isku difaaco ama loo ogaado hadii weerar kugu soo wajahayo.

Wixii faahfaahina kala soco booliska kuugu dhaw, si’aad u ogaato meesha kuugu dhaw ee lagu bixinayo fasaladaas.

Back To Top