Skip to content

WHO oo sheegtay in mid ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay weerarkii LIIDO

by abdinajib abdullahi

qof Muqdisho (Boundless media) – Hay’adda Caafimaadka Adduunka  ee WHO ayaa war kasoo saartay weerarkii xooganaa ee ay Jimcihii Al-Shabaab ku qaaday hotel Pearl Beach oo ku yaallo xeebta, kaas oo ku billowday qaraxyo, kadibna uu xigay dagaal toos ah.

Madaxa hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay, Tedros Adhanom oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in mid kamid ah shaqaalahooda uu ku dhintay weerarkaasi oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab oo haatan dagaal kula jirta dowlada dhexe.
“Aad ayaan uga xumahay inaan xubin ka tirsan WHO ku weynay weerarkii ka dhacay Muqdisho, Soomaaliya,” ayuu Wwitter-kiisa ku yiri agaasimaha guud ee hay’adda WHO.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay hay’addu si xoogan u cambaareneyso weerarkaasi oo ay ku naf-waayeen ugu yaraan 9 qof oo isugu jiro askar iyo rayid, sida ay sheegtay dowladdu.

Tedros ayaa sidoo kale tacsi tiiraanyo leh u diray ehellada ay dadkooda ku dhinteen weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qof kasta oo waayay qofka uu jeclaa. Waxaan cambaareyneynaa dhammaan weerarrada ka dhanka ah rayidka iyo shaqaalaha bini’aadantinimada”. ayuu mar kale ku yiri qoraalka uu soo dhigay barta Twitter-ka.

Weerarkan ayaa qaatay saacado badan, wuxuuna ku soo aaday, xilli ay dad badan ku sugnaayeen xeebta Liido, maadaama ay aheyd Jimco, goorta uu weerarka dhacayay.

Si kastaba, kooxda Al-Shabaab waxa ay sheegtay in weerarka ay ku dishay illaa 29 qof oo isugu jiro saraakiil iyo madax ka tirsan dowladda federaalka, sida ay hadalka u dhigtay.

xaquqda weydhowrantahay:Boundless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top