By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Wiilal Walaalo ah la soo badbaadiyey 9 maalin kadib, Dhul-gariirkii Türkiga (Sawirro)
By abdinajib abdullahi
Turkiye(Boundless media)
Fadliga Allaah ayey ku suurto-gashay in maanta isagoo nool laga soo saaro burburka Dhismihii uu ku hoos xanibnaa tan iyo markii ay labada Dhul-gariir ka dhaceen dalkaasi bishan February 6-dii.
198 saacadood kadib, waxay Kooxaha Gurmadka saakayto oo Talaado ah soo badbaadiyeen Wiilkàasi oo ku hoos xayirmay burburka Dhismo ku yaalla Gobalka Kahramanmaraş ee Koonfurta dalka Türkiye.
Mar sii horeysay waxay Kooxda Gurmadka soo saareen Wiil kale oo la filayo inay Walaalo yihiin Wiilka 17-jirka ee isna maanta la soo badbaadiyey.
Dhanka kale, Kooxaha Gurmadka waxay soo fageen maydka qof ku hoos xanibnaa Dhismo ku yaalla dhul buuraley ah oo ka tirsan Gobalka Kahramanmaraş oo ahayd ubucda labadii Dhul-gariir ee ka dhacay 10 Gobal oo ku yaalla Koonfurta dalkaasi.