By Ayanle Dhiire Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa warbixin uu…

Xafiska keydinta xogta cafimadka Dawlad Degganka oo la Daahfuray
By Ayanle Dhiire
Xafiiska Caafimaadka DDS ayaa maanta daahfuray xarunta kaydinta xogta caafimaadka.
Daahfurka xarunta kaydinta macluumaadka caafimaadka oo markii ug horraysay deegaanka laga hirgalinayo ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Caafimaadka DDS Dr. Muuse Axmed, bahwadagta xafiiska caafimaadka iyo bahda caafimaadka. Waxaana halkudhig looga dhigay “horumarinta kaydka, helitaanka iyo gudbinta macluumaadka la xidhiidha caafimaadka waa halbeegga lagu kobcinayo hannaanka adeegbixinta caafimaadka”.
Xarunta ayaa qaban doonta shaqooyin kala duwan oo ay ka mid yihiin; sahaminta goobaha laga helayo xogta, uruurinta xogta caafimaadka, tayodhawridda & aminiga xogta, kaydinta & maaraynta xogta, abuuridda nidaam looga faa’iidaysan karo oo lagu saleeyo qorshayaasha istaraatajiyadaha kal duwan ee horumarinta adeegbixinta caafimaadka. Xaruntan ayaa ah xarun gooni ah oo loo dhammaystiray agab casri ah lagu kaydin doono macluumaadka caafimaadka.
This Post Has 0 Comments