Skip to content

Xamaas oo diidday hindise ay soo jeedisay Masar

By isxaaq Rashiid Warbaahinta Israa’iil iyo kuwa Carabta ayaa sheegaya in kooxaha Falastiin ee Xamaas iyo Jihaad Islaami ay diideen hindise ay Masar soo jeedisay oo ah xabbad joojin joogto ah oo laga sameeyo Qasa.

Kooxaha ayaa la sheegay in aysan diyaar u ahayn in ay ka hadlaan wax tanaasul ah oo dhaafsiisan sii deynta la haystayaasha.

Axadii ayaa la sheegay in Masar ay soo bandhigtay hindise cusub oo xabbad joojin ah oo saddex waji ah.

Waxaa ka mid ah in la sameeyo dowlad farsamo oo ay ku lug leeyihiin maamulka Falastiiniyiinta ee Fatax iyo Xamaas si ay u maamulaan Qasa.Xubin midigta fog oo ka tirsan golaha wasiirrada Israa’iil, Bezalel Smotrich, ayaa sidoo kale si adag u diiday soo jeedinta, isagoo sheegay in golaha wasiirrada dagaalka ee Israa’iil aysan “wax amar ah” u haysan in ay ansixiyaan qorshahan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top