Skip to content

Xiisad ka taagan Dulleedka Degmada warsheikh

By isxaaq Rashiid Wararka ka imaanaya degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya inay xiisad  ka taagan tahay duleedka Bari ee Degmadaasi.

Xiisadan ayaa la sheeğayaa inay ka dhalatay isqab-qabsi la xiriira Dhisme garoon diyaaradeed  oo la doonayo in laga hergeliyo halkaas.

Gudoomiye ku xigeenka Arimaha bulshada ee maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalin oo  u warramay warbaahinta  ayaa xaqiijiyay inay xiisadu halkaa ka jirto isagoo  sheegay inay jiraan dad diidan dhismaha Garoonka diyaaradeed ee lagu wado in laga hergeliyo duleedka Ddegmad Warsheekh ee gobolka Shabeelda Dhexe.

Ugu dambeeyntii  Gudomiye ku xigeenka Arimaha bulshada maamulka Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe Muxudiin Maxamed Maalinayaa Tilmaamay  in Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad goboleedka Hirshabeele ay wadaan dadaalo lagu xalinayo xiisada si loo loo hergeliyo Dhismaha Garoonka diyaaradeed .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top