Skip to content

Xiisad ka taagan gobolka saaxil iyo wararkii ugu danbeeyay

By isxaaq Rashiid Qoysas ay tiradoodu  kor u dhaafayso saddex boqol oo qoys ayaa ka barakacay  deegaanadda Go’da wayn, Diri-maraa iyo nawaaxiga buurta Gacan-libaax halkaas oo ay ka taagan tahayXiisad dagaal oo u dhexeysa Ciidamada Soomaaliland iyo kooxo Maleshiyaad ah oo isku aruursaday buurta gacan libaax kuwaas oo halkaas ugaa dhaawaqy in ay yihiin jabhad ka soo horjeeda Xukuumada Soomaliland.

Deegaannada Xiisad Colaadeed ay ka jirto  ayaa waxaa  maalmihii  dambe isku hor-fadhiyay  rag hubaysan oo sheegay in ay la dagaalamayaan Xukuuamdda Soomaaliland  .

Dadka deegaannadaas ku haray oo aan barakicin ayaa  walwal culus ka qaba in saacadkasta dagaal ka dhici  karo agtooda, halisna ay geli karto noloshooda.

Xukuumadda Soomaaliland ayaa loogu baaqay in ay wada hadal la gasho kooxdaas iyadoo isku dayo ay sameeyeen xildhibaano ka tirsan Golaha wakiilada Soomaaliland iyo Salaadiin  si ay xal  uga  gaaran xiisada ka taagan buurta gacan libaax balse aysan u suurta gelin.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top