Skip to content

Xildhibaan Babu Owino oo lagu siidaayay 100,000 oo damaanad lacageed ah

By Ayanle Dhiire 

Maxkamadda Milimani ee magaalada Nairobi ayaa damaanad lacageed oo dhan 100 kun oo shilin ku siidaysay mudanaha deegaan baarlamaneedka bariga Embakasi ee ismaamulka Nairobi, Paul Ongili oo loo yaqaano Babu Owino iyo Lix qof oo kale.

Eedeysanayaasha kale ayaa kala ah Calvin Okoth Otieno oo loo yaqaano Gaucho, Tom Ondongo Ong’udi, Michael Otieno Omondi, Pascal Ouma, Kevin Wambo iyo Willys Owino Baraka.

Tuhmanayaasha uu xildhibaanka bariga Embakasi ka mid yahay ayaa lagu eedeyay dafiraadda awoodda dowladeed ee maamulka madaxweyne William Ruto.

Dacwad oogayaasha matalayay dowladda oo cuskanaya sababo amni ayaa maxkamadda ka codsaday inaynan toddobada qof damaanad ku siidayn.

Hasa ahaate waxaa taasi ka soo horjeestay qareennada u doodayay oo uu hoggaaminaya Danstan Omari oo su’aal geliyay qaabkii loo xiray eedeysanayaasha iyo in xabsiyada lagu hayay in ka badan 24 saacadood taasoo liddi ku ah dastuurka dalka.

Qareenka ayaa soo xigtay farqada 49-aad ee dastuurka dalka oo qeexaysa in saraakiisha dowladda laga doonaya inay qofka la xiray maxkamadda ugu gudbiyaan 24 saacadood gudahooda.

Garsoore Lukas Onyina ayaa amray in aan xildhibaanka iyo 6-da eedeysanayaal ee kale xabsiga lagu sii hayn maadaama waaxda dacwad oogidda dalka aynan soo bandhigin sababo loogu diidi karo damaanad ay codsadeen!

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top