Skip to content

Xildhibaanka Golaha Degaanka ee Magaalada Lewiston, Safiya Khalid ayaa wajahday cunsurinimo kaga timaaday dimuqradiga Lewiston

Ridwan Ali

Iyada oo doorashadii ay inaga xigto bilo kooban, ayaa khilaaf ka dhex abuurmay gudiga dimuqraadiga.

Xildhibaan Safiya Khaalid oo ka tirsan golaha deegaanka, oo tan iyo 2017-kii ahayd gudoomiye ku xigeenka xisbiga maxaliga ah, ayaa barteeda bulshada qabsatay dhamaadkii wiigga, iyada oo sharraxaysa kulan guddi dhawaan yeeshay oo isu rogay cadaawad, taas oo ay ku sheegtay inay ku qasabtay inay ka noqoto musharraxnimadeedii ay xisbiga ku hoggaamin lahayd.

Dimuqraadiyiintu sida caadiga ah waxay ku faanaan inay yhiin meel lagu dhanyahay, soo dhaweyn, iyo maskax furan, laakiin waxa ka dhacay kulankaas gebi ahaanba waan ka xumaaday, ”ayay ku tiri qoraal ay soo dhigtay Facebook. Qoraalkaas ayaa tan iyo markii la sameeyay in ka badan 120 faallooyin waxaana la sheergareeyay 28 jeer.

Safiya Khaalid, oo aan ka jawaabin codsiyada faallooyinka ee ka imanayay Sun Journal, ayaa usheegtay warbaahinta bulshada in magacaabisteeda ay si isdaba joog ah u carqaladeeyeen dhowr ka mid ah ka soo qayb galayaashii kulanka, isla markaana ay la kulantay “ixtiraam la’aan, ajaanib naceyb, iyo cunsuriyad”.

Elizabeth Eames, xoghayaha xisbiga ee waqtigiisu dhammaaday, ayaa ka jawaabtay xilka Safiya Khaalid, iyada oo sheegtay in xubnaha guddiga “ay ka cabsanayaan” isla markaana “si aan macquul ahayn uga baqayaan” in Safiya Khaalid noqdo hoggaamiyaha guddiga. Waxaan go’aansaday inaan ka laabto tartanka loogu jiro kursiga — sababtuna ma ahan inaan qof fikrado wanaagsan ama xamaasad dhaqdhaqaaq siyaasadeed lahayn ahay, laakiin sababta oo ah heerka sunta iyo nacaybka ayaa loo dulqaadan karin, ”ayuu Safiya Khaalid ku dhahday qoraalka.

Kahor kulanka, Kiernan Majerus-Collins, oo hogaaminayay xisbiga tan iyo 2017, wuxuu ku dhawaaqay inuu ka dagi doono jagada gudoomiye nimo. Laakiin, wuxuu toddobaadkan u sheegay Sun Journal in Safiya Khaalid, oo ah qofkii ugu horreeyay ee Soomaali-Mareykan ah ee loo doorto Golaha Magaalada, inay tahay qof ugu horeeya ee u qalma jagada hoggaamiyaha cusub ee xisbiga.

Ugu danbayntii qoraalkeeda, Safiya Khaalid waxay ku sheegtay inay u rajeynayso asxaabteeda wanaagga doorashooyinka soo socda ee sannadkan iyo ka kalaba . Laakiin, waxay tiri, “waxay wayeen, ugu yaraan hadda, hoggaamiye aad ugu hiirana magaalada Lewiston.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top