By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…

Xildhibaanno meeshin ka wada Madaxweyne Deni iyo maxkamadda Dastuuriga Puntland
By isxaaq Rashiid Saacadihii la soo dhaafay Magaalada Garoowe waxaa kulamo kala duwan oo iska soo horjeeda ku yeelanayay Xildhibaannada Golaha wakiilada Puntland, kuwaas oo la sheegay inay wadan mooshin ka dhan ah Madaxweyne Deni & Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland.
In ka badan 40 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamanka Puntland ayaa la sheegay inay diyaariyeen mooshin ka dhan ah maxkamadda dastuuriga ah iyo Madaxweyne Deni kadib markii shalay Maxkamaddu ay laashay Go’aankii ay Xildhibaannada ku kororsadeen mudada sanadka ah.
Warar lagu kalsoonaan karo oo Risaala heleyso ayaa waxaa ay sheegayaan in mooshinka loo gudbinayo fadhi deg deg ah oo ay maanta yeelanayan Baarlamanka Puntland, kaas oo ka qabsoomaya Magaalada Garoowe.
Dhinaca kale Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Puntland ayaa taageeray go’aankii kasoo baxay Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, kaas oo ay ku laashay mudda kororsii xildhibaannada, iyaga oo sheegay in aan khalqal siyaasadeed la gelin Puntland.
This Post Has 0 Comments