By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Xildhibankii koonfurta Kilifii oo lagu sii daayay Damiin lacaaged
By Ayanle Dhiire
Maxkamad ku taalla dowlad deegaanka Mombasa ayaa maanta damiin lacageed oo dhan min 50 kun oo shilin ama damaanad dhan 100,000 oo shilin ku siidaysay mudanaha deegaan baarlamaneedka Koonfurta Kilifi Ken Chonga iyo guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kilifi Teddy Mwambire.
Waxaa lagu soo eedeyay inay qabanqaabiyeen dibadbaxyo sharci darro oo ka dhan ah dowladda.
Hasa ahaate wey iska fogeeyeen eedeymahaasi.
Dacwad oogayaasha matalayay dowladda ayaa maxkamadda ka codsaday inaynan labada mas’uul damaanad ku siidayn.
Hasa ahaate, garsooraha sare ee maxkamadda Mombasa,Martha Mutuku ayaa oggolaatay in shakhsiyaadkan damaanad lagu siidaayo.
Labada mas’uul ayaa xabsiga loo taxaabay 19-kii bishan ka dib muran iyaga iyo ciidamada booliiska ku dhex maray deegaanka Mtwapa ee ismaamulkaasi halkaasi oo ay isugu soo baxeen dibadbaxayaal !
This Post Has 0 Comments