skip to Main Content

Xog: Qorshaha ka dambeeya heshiiska uu Farmaajo la gaaray Jeneraal Xuud

By abdinajib abdullahi

Waxaa Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan lagu soo gabagabeeyey kulamo aan kala joogsi laheyn oo xal loogu raadinayey tabashada laga qabo dhismaha labaad ee maamul goboleedka HirShabelle.

Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha qeybta 12-Apriil Genaraal Tawane Gurureey iyo saraakiil kale oo ka wakiil ah madaxweyne Farmaajo oo shalay Beledweyne soo gaaray ayaa kulamo la qaatay hoggaamiyaha Golaha kacdoonka Hiiraan ee HirShabelle diidan Generaal Abuukar Xuud iyo saraakiil sare oo kacdoonka ka mid ah.

Sida ay xaqiijiyeen ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo, wada-hadallada ayaa waxaa laga gaaray isfaham hordhac ah si loo guda galo wajiga labaad ee dadaalada socdo.

Heshiiska la gaaray ayaa waxaa qeyb ka ah in Generaal Abuukar Xuud iyo xubno kale oo kacdoonka Hiiraan kamid ah ay Generaal Biixi u raacaan magaalada Muqdisho si ay kulan ula qaataan Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Soomaaliya Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Marka ay General Xuud iyo xubnaha la socdo  tagaan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in halkaas lagu dhameystiro heshiiska qabyada ah.

Dhanka kale, Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar, saraakiisha ciidanka dowladda iyo maamulka Gobolka Hiiraan.

Sida ay ogaatay Shabakadda Caasimada Online, Villa Somalia ayaa gadaal ka riixeysa wada-hadallada lala furay General Xuud, waxaana qorshahaan loo soo wakiishay Taliyaha ciidamada dhulka Soomaaliya Genaraal Maxamed Tahliil Biixi.

Jenraal Xuud iyo kooxdiisa ayaa sida aan xogta ku helnay loo ballanqaaday taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale.

Farmaajo ayaa doonaya in xiisadda Hiiraan la dhameeyo, si ay u suurta-gasho in halkaas ay ka dhacdo doorasho, ayada oo kuraas muhiim u ah ay halkaas yaalaan, waxaana ka mid ah kursiga HOP086 oo la filayo inuu isku sharxo Fahad Yaasiin.

Kooxda Farmaajo ayaa hore is-afragrad ula gaartay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed, oo loo xil saaray qorshaha fuulinta sidii inta badan kuraasta 25-ka ah ee yaalla Beldweyne loogu gacan gelin lahaa kooxda Farmaajo.

Xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media
Back To Top