skip to Main Content

Xoghayihii Golaha Shacabka BF oo is-casilay + Sababta

By Abdinajib Abdullahi

Xoghayihii baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa iska casilay xilkii uu baarlamanka Soomaaliya u hayey sanado badan.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Boundless media , xoghaye Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa is-casilaadiisa u gudbiyey guddiga joogta ee golaha shacabka.

Sababta uu isku casilay xoghaye Cabdikariim ayaa lagu sheegay inay tahay khilaaf soo dhex-galay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya guddoonka oo salka ku haya hab maamulka lacagta baarlamanka.

Buux oo ah qofka ugu sarreeya shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya, balse ana xildhibaan aheyn, ayaa lagu eedeeyey inuu lacag badan oo ka mid aheyd tan baarlamanka uu si khaldan u maareeyey.

Waxaa la sheegay in 350 qof oo shaqaale baarlamanka u qornaa laga helay kaliya 150 ayada oo 200 kale la sheegay inay ahaayeen magacyo aan jirin oo lacag un lagu qaadan jiray.

Waxaa sidoo kale dhowaan la ogaaday lacag ka badan hal miyan oo dollar oo aan la ogeyn halka ay ku baxday.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa tan iyo intii loo doortay guddoonka baarlamanka 11-aad waxay wadeen in la saxo khaladaadkii uu sameeyey Buux.

Buux ayaa fursad loo siiyey inuu is-casilo ama xilka laga qaado, taasi oo uu aqbalay.

Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu xilka uu baneeyey Buux ugu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle.

Xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media

Back To Top