Skip to content

Xubin Sare oo ka tirsanaa Daacish oo la qabtay

By isxaaq Rashiid Taliska Ciiddanka Ammaanka ee dalka Iraq waxay sheegeen inay gacanta ku dhigeen Taliyihii Kooxda Daacish ugu qaabilsanaa Booliska magaalladda Mosul oo ah Caasimadda Gobalka Ninawa ee Waqooyiga dalkaasi.

Warbixin dhanka Sirdoonka iyo Dabagal socday ayaa suurtogelisay in Taliyahaasi oo lagu naanayso Abu Saqar lagu qabto gudaha Mosul oo 400 KM dhanka Waqooyiga kaga toosan Caasimadda dalkaasi ee Baghdad.

Dagaalamayaasha Kooxda Daacish waxay horey maamuli jireen magaallada Mosul tan iyo sanadkii 2014-kii,  ka hor intaysan Ciiddanka Dowladda Iraq dib ula wareegin sanadkii 2017-kii.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top