Skip to content

Xubno ka Tirsan AS oo lagu dilay duqayn ka dhacday gobolka Mudug

By isxaaq Rashiid Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in Deegaanka Baraag Cali Gaduud oo degmada Xarar-dheere ee koofurta gobolka Mudug 31 Km dhanka koonfureed kaga beegan ayay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ka  sameeyeen howlgallo qorsheeysan oo khasaare lagu gaarsiiyay  AS

Howlgalka oo ay iska kaashadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada Caalamka ayaa ahaa duqeeyn dhinaca cirka ah waxaana lagu bartilmaameedsaday Xubno ka tirsan ASiyo Gaadiid ay wateen .

Saraakiil katirsan Ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay in howlgalka lagu gubay laba gaari islamarkaasna lagu dilays laba xubnood oo Alshabaab ka tirsan .

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ayaa sidoo kale sheegay in degaanka Baraag Cali gaduud oo ka tirsan koofurta gobolka Mudug Mudooyinkii dambe Fariisin ku lahaayeen Xubno ka tirsan AS .

Duqaynta lagu dilay xubnahaan tirsan AS ee ka dhacday nawaaxyiga degmada Xarar dheere ee gobolka Mudug ayaa ku soo aadeysa Xilli maalmihii la soo dhaafay Hawgallo ka dhan ah AS uu ka socda degaannada Galmudug .

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top