Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Xubno ka tirsana AS oo duqeyn lagu dilay iyo warar ka soo baxaya
By isxaaq Rashiid Faah faahino ayaa ka soo baxaya Hawlgal aay fuliyeen ciidamada dowladda iyo Saxiibadeeda caalamka howlgalka ayaa ka dhacay xarunta ay deganaayeen maamulka sare ee AS u qaabilsanaa magaaladaas, taas oo la burburiyay.
Sidoo kale’ Dawlada ayaa sheegtay in xaruntaas lagu dilay shan xubnood oo Shabaab ah oo mid ka mid ah uu ahaa sarkaal sare.
“Hawlgalka ugu danbeeyay waxa lagu beegsaday Isbaaro ay ku sugnaayeen xubno ka tirsan AS banaankadegaanka Buq-aqable, halkaas ayaa lagu laayay goobta ku sugnaa ayaa lahu yiri warkaan ka soo baxay Dawlada Federaalka Soomaaliya .”
“Inta la xaqiijyay hawlgalka waxaa AS uga geeryooday 18 Xubnood oo labo ay horjoogayaal tahay, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo culus, waxaa la burburiyay labo xafiis iyo goob Isbaaro u ahayd,” ayaa lagu yiri qoraalkaan ka soo dowladda laguna daabacay wqarbaahinta dawlada .
Dawlada Federaalka Soomalaiya ayaa sheegay Goobta ugu horraysa la duqeeyay waxa ay ahayd Garaash AS u yaaleen ilaa 20 Gaari oo ah kuwa Dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay iyadoo laga dhigay hawlgab ayaa sidoo qoraalka lagu yiri” .
Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa mudooyinkii dambe Hawlgalo ka dhan ah AS ka waday qaybo badan oo ka tirsan gobolada dalka .
This Post Has 0 Comments