Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa bulshada…

Xukumadda Somaaliya oo ka warbixisay Tirada xujeyda Soomaliyeed ee ku geeriyootay sanadkan Dalka Sacudiga
By isxaaq Rashiid Wasaarada Awqaafta iyo Arimaha Diinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa Faah faahin ka bixisay tirada Xujeyda Soomaaliyeed ee geeriyootay inta lagu guda jiray Gudashada Waajibaadka xajka.
Xafiiska Arrimaha Xajka Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in Lix Xaaji ay ku geeriyootay intii lagu guda jiray gudashada Waajibaadka Xajka.
Madaxa Xafiiska Dr Khadar Daahir ayaa sheegay in saddex rag ah iyo saddex dumar ah ay dhinteen.
Dhinaca kale Kulan looga hadlayey dib u celinta Xujeyda Soomaaliyeed ee dhammeysatay gudashada Waajibaadka Xajka ayaa lagu qabtay Magaalada Makkah ee boqortooyada Sacuudiga kulankaas oo ay yeesheen Wasaaradda Awqaafta iyo shirkadaha Adeegga xajka.
Madaxa Xafiiska Arrimaha Xajka dowladda Soomaaliya Dr Khadar Daahir Suleymaan ayaa u sheegay Shirkadaha in laga doonayo in sida ugu dhaqsaha badan uguna nidaamsan loo daabulo Xujeyda.
This Post Has 0 Comments