Skip to content

Taliska Ciidanka xoogga dalka oo ku dhawaaqay inay ka hortagayaan weerarada AS’

By isxaaq RashiidTaliyaha Ciidamada Xooga Dalka Qeybta 60-aad Janaraal Hassan Baydhabo ayaa sheegay in dib u habeyn iyo ballaarin lagu sameyn doono Ciidamada xoogga dalka ee ka howlgalla degaannada Koonfur Galbeed.

Wuxuu sheegay in ujeedkooda ugu weyn in uu yahay sidii degaannada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed looga xoreyn lahaa Ururka Al-Shabaab, isaga oo Ciidamada xoogga dalka ugu baaqay inay ka hortagaan weerarada Al-Shabaab.

Degaannada iyo degmooyinka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kamid yihiin Goobaha ay weli u go’doonsan yihiin Ururka Al-Shabaab, waxaana dhowr jeer ay sheegeen Madaxda Koonfur Galbeed inay Go’doonka ka qaadi doonaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top