Skip to content

Tartanka Kubadda Cagta Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir oo dib loo bilaabayo

By isxaaq Rashiid Tartanka ciyaaraha dowlad goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir ayaa maanta  oo Axad ah dib uga bilaabanaya garoonka Kubadda Cagta Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in tartanka uu dib u bilaaban doono, kadib hakad uu tartanka ku jiray mudo todoboaad ka badan.

Kulan ay yeesheen guddiga fulinta xiriirka kubadda Cagta ee Soomaaliya iyo ururrada kubadda cagta ee maamul goboleedyada ayaa lagu go’aamiyay in dib loo bilaabo  Tartanka cayaaraha Dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir .

Xulka Kubada Cagta Hirshabeelle ayaa maanta  tagaya garoonka  si  saddex dhibcood looga siiyo xulkii Koonfur galbeed oo cayaaraha  isaga baxday ka dib dhibaato ka soo gaartay Ciyaartay ugu dambeeysay ee dhexmaratay iyo Xulka kubada Cagta Galmudug oo guushana ay ku raacday

Sidoo kale , Maanta ayaa la filayaa in Xulalaka Kubada Cagta ee Jubbland iyo Gobola maanta Ciyaar ay ku dhexmaryo haroonka kubada Cagta ee Muqdisho

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top