KORNEEL CISMAAN MAXAMED JEELLE OO AAS-QARAN LOOGU SAMEEYEY CAASIMADDA MUQDISHO Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane…
WAXAA FURMAY SHIRKA WADATASHIGA EE UU GUDOOMINAYO MW XASAN SHEIKH
SHIRKA GOLAHA WADATASHIGA QARANKA OO MAANTA KA FURMAY MUQDISHO
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad-Goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya oo maanta ka furmay Madaxtooyada Qaranka.
Shirkan ayaa looga arinasanayaa xaaladda amniga dalka gaar ahaan wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta, dhameystirka deyn cafinta iyo dhaqangelinta heshiisyadii horey ay u gaareen golaha wadatashiga qaran.
Shirka waxaa ka soo qaybgalay, Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen), Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)
This Post Has 0 Comments