Skip to content

Xubno ka tirsan AS oo lagu duqeyn ka dhacday gobolka mudug

By isxaaq Rashiid Taliska Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa duqeymo dhanka cirka ah ku dilay 26 xubnood o ka tirsan Alshabaab.

Howlgalkan ayaa laga fuliyay meel u dhaw Deegaanka Jeex-jeex ee gobolka Mudug oo Alshabaab ay ka qoteen godad, si ay uga hortagaan weeradada uga imaanaya Ciidamada dawlada iyo kuwa degaanka .

Ciidamada Xoogga dalka  iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa laba jibaaray howlgallada dhulka iyo cirka ah, waxaana dagaal ka dhacay Mudug Alshabaab looga dilay in ka badan 50 ruux, waxaana laga weeraray dhulka iyo Cirka ayaa lagu yiri  war ka soo baxay dawlada Somaaliya .

Sidoo kale , duqeynta ayaa la sheegay in lagu Burburiye Gaari Deyno ah oo ay la Socdeen saraakiil  ka tirsan Alshabaab .

Dawlada Federaalka ayaa sheegtay dhawaan la soo gaba gabeyn doono Howlgalka ka socda Gobalka Mudug, oo gabi ahaan Alshabaab laga saari doono   Saldhigyda ay ku leeyihiin degaannada Galmudug

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top