skip to Main Content

Madaxweynaha kenya oo sodhaweyay in magalada nairobi loo Aqonsado magalada ogu wanagsan calamka

By Ayanle Dhiire 

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa soo dhaweeyay in magaalada Nairobi loo aqoonsaday inay tahay magaalada ugu wanaagsan caalamka ee la booqan karo sanadka 2024-ta.

Arrinkan ayaa shaaca laga qaaday ka dib qiimeyn ay sameysay shirkadda Lonely Planet oo wax ka qorta safarrada caalamka.

Madaxweyne William Ruto ayaa qoraal uu maanta soo dhigay barta X waxaa uu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay aqoonsigan ay yeelatay caasimadda dalka.

Waxaa uu tani u aaneeyay dadaallada ay dowladda dhexe ku bixinaysa in sare loo qaado sumcadda ay Kenya ku leedahay dunida .

Ruto ayaa xusay inay sii wadi doonaan in fursad kasta oo ay helaan ay ku soo bandhigaan sida Kenya ay u tahay meel lagu soo hirto.

Qoraalka madaxweynaha waxaa ku cad inay si buuxda ugu qanacsan yihiin falcelinta dhanka safarrada iyo dalxiiska ee shirkadda Lonely Planet .

Waxaa uu intaasi ku daray in tani ay sare u qaadi doonto waaxda dalxiiska ee dalka isagoo muwaadiniinta waddamada kale ee caalamka ku boorriyay inay Kenya booqasho ku yimaadaan.

Madaxweynaha oo tilmaamay inaynan caalamka jirin meel Kenya la mid ah ayaa sheegay inay diyaar u yihiin soo dhaweynta ajaaniibta .

Liiska shirkadda Lonely Planet waxaa nambarka labaad soo gashay magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska waxaa soo raacda magaalada Montreal (Canada), Mostar (Bosnia) iyo Philadelphia (Maraykanka ).

Lonely Planet ayaa dhanka kale wadanka ugu wanaagsan caalamka ee dhanka booqashada sanadka 2024 ku sheegtay Mongolia waxaana soo raaca India,St. Lucia, Mexico iyo Morocco

 

 

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top