skip to Main Content

Meydka muwaadin Somaaliyeed oo laga helay magaalo ku taalla dalka jarmalka

Meydka muwaadinka Soomaaliyeed oo dhalinyaro ah ayaa lagu arkay goob laga raaco Tareenada oo ku taala magaalada Marburg ee dalka Jarmalka.

Muwaadinka Soomaaliyeed ee meydkiisa la helay ayaa magaciisa lagu sheegay Maxamed Saraxdiid, kaasoo ka mid ahaa dadka magangalya doonka ah ee dhawaan tagay dalkaas Jarmalka.

Jaaliyada Soomaalida ee dalka Jarmalka ayaa ku wargelisey Booliiska Magaalada Marburg geerida muwaadinka Soomaaliyeed ee loo maleynayo inuu tareenku jiiray.

Ma cada in wiilkaan Soomaaliga ah uu isku dhigay Tareenka iyo in kale, waxaasa Booliiska oo magaaladaasi ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan waxa sababay geerida muwaadhinkaas , islamarkaana ay soo saari doonaan natiijada kasoo baxda baartaanka.

By isxaaq Rashiid

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top