Skip to content

Puntland oo xilka ka qaadday qarkamid ah golaha wasiirada

XIL KA QAADIS : WASIIRKA AMNIGA IYO WASIIR KU-XIGEENKA ARRIMAHA GUDAHA .

 

maamulka Puntland ayaa xilka ka qaaday qarkamid xubnaha golaha wasiirada sida lagu sheegay warsaxafaded u dhignaa sidan

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26, 17 June 2023, Kuna saabsan xil ka qaadis.

 

Madaxweynaha Dowladda Puntland

 

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.

 

Markuu arkay: Xil gudasha la’aantooda

 

Wuxuu xeeriyey:

 

Waxaa xil ka qaadis lagu sameeyay:

 

1. Cabdisamad Maxamed Galan, Wasiirka Amniga iyo DDR-ta Puntland.

 

2. Cabdiweli Mire Xirsi, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha , Federaalka iyo Dimuqraadiyeeynta Puntland.

 

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

 

By isxaaq Rashiid

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top