skip to Main Content

Drek Chauvin oo manta la xukumay ka dib dillii George Floyd

Dacwad ogayaasha ayaa ku wadan ugu yaraan 30-sano in lagu xukumo lakin waxaa looga dhigay 22 sano iyo badh kadib sanad ka bacdii ayuu dhahay taxsi ayaan u dirayaa dadkii uu ka dhintay Floyd halkaasna qaadigu wakhtigiisa ugu yareeyay.

Anshax wanaagsan, Chauvin, 45, ayaa lagu sii deyn karaa kadib marka uu dhammeeyo seddex meelood labo meel xukunkiisa, ama qiyaastii 15 sano. Famaliga Floyd wuxuu ku dhahay waxaa soo bixi doonta macluumaad kale oo badan halkaasna uu rajaynayo inay samir siiso isaga oona sii faahfaahin.

Qoyska Floyd ayaa mujiyay inay wali murugoonayaan halkaasna intay istaagen codsaday in Chauvin lagu xukumo mudada ugu badan.

Chauvin hooyadiis ayaa iyaduna maxkamada joogtay halkaasna u sheegtay garsooraha “Waxaan kuu sheegi karaa inay taasi runta ka fog tahay,”.  “Waxaan rabaa in maxkamadaan ogaato in waxyaalahaas midkoodna uusan run ahayn in wiilkayguna yahay nin wanaagsan.” Waxay raacisay: “Derek, waxaan rabaa inaad ogaato inaan marwalba aaminsanahay inaadan waxba galabsan, taasna waligay ka leexan maayo.” sida aan ka soo xiganay Pressherald kuna dartay halkaan baan kuu taaganahay kolka aad soo baxdo.

 

Back To Top