skip to Main Content

7 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay dalka Bangladesh

Abdinajib Abdullahi

Mas’uuliyiinta dalka Bangladesh ayaa ku warramaya inay bilaabeen baaritaano la xiriira qarax ay ugu yaraan 7 qof ku dhinteen oo laga soo tabiyay magaalada Dhaka ee caasimadda wadankaasi gelinkii dambe ee shalay.

Qaraxa ayaa la rumeysan yahay inuu ka dhashay gaaska cuntada lagu kariyo, waxaana uu burbur xooggan u geystay dhismaha.

Waxaa dhismaha qaraxa uu ka dhacay ka koobnaa 4 dabaq islamarkaana ay ku yaaleen dukaamo, qolalka lagu qabto bandhigyada iyo xafiisyo gaar loo leeyahay.

Qaraxa ayaa sidoo kale waxyeello u geystay ugu yaraan saddex basaska rakaabka qaada ee magaalada kuwaas oo ku xanibmay ciriiri xooggan oo isku socodka baabuurta oo hor marayay dhismaha hortiisa.

Waxaa uu sidoo kale burbur u geystay xarumaha kale ee ku hareeraysanaa dhismaha.

Dhankan kale laba iyo toban qof oo ay dhaawacyo soo gaareen islamarkaana aad u gubtay ayaa xaaladoodu caafimaad laga deyrinaya, sida uu sheegay Samanto Lal Sen, oo ah madaxa qaybta dhakhaatiirta caafimaadka ee dalka Bangladesh.

Madaxa ciidamada booliiska ee Bangladesh Benazir Axmad ayaa sheegay in ilaa iyo hadda aysan caddeyn waxaa sababay in gaska u qarxo.

Waxaa uu intaa ku dartay in khubarada qaraxyada ay bilaabi doonaan baaritaano arrinkan ku aadan.

Bishii Sagaalad ee sanadkii hore ayay ahayd markii ugu yaraan 33 qof ay ku dhinteen qarax noocan oo kale ah oo ka dhacay masaajid ku yaalla magaalada Narayanganj oo qiyaastii 25 kiloomitir dhanka koonfuureed ka xigta magaala madaxda dalka Bangladesh ee Dhaka.

Back To Top