By isxaaq Rashid Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Soomaaliya , Xasan Macallim Maxamuud oo…
24 Qof oo lala xiriirinaayo Rabshado Dhawaan ka Dhacay ismamulada Bomet Iyo kericho oo la qabtay
By Ayanle Dhiire (Boundless Media)
Saraakiisha ammaanka ee ismaamullada Bomet iyo Kericho ayaa gacanta ku dhigay 24 ruux oo lala xiriirinaya rabshado hanti lagu burburiyay oo ka dhacay dowlad deegaanadaasi.
Tani ayaa timid ka dib markii shacabka labada ismaamul ay sameeyeen dibadbaxyo ay uga cabanayeen maamullada shirkadaha soo saaro caleenta shaaha.
Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Prof. Kithure Kindiki ayaa hoosta ka xarriiqay in shakhsiyaadka la qabtay ay hadda marayaan baaritaano dheeraad ah ka hor inta aan maxkamad la soo taagin.
Waxaa uu sheegay in shacabka iyo mas’uuliyiinta aanan marnaba laga oggolaan doonin inay ku kacaan falal rabshadeysan oo lagu bartilmaameedsanaya hantida dadweynaha ama shirkadaha gaarka ah.
Kindiki ayaa intaasi ku daray in laamaha ammaanka ee Bomet iyo Kericho ay dejiyeen xaalado degganaansho la’aan ah oo ismaamulladan ka jiray toddobaadyadii la soo dhaafay
Senatarka ismaamulka Kericho Aaron Cheruiyot ayaa dhankiisa dhallinyarada ugu baaqay inaynan ku lug lahaan shaqaaqooyinka!
This Post Has 0 Comments