By isxaaq Rashiid Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto madaxweyne uu Cafis Guud u…
Gabdhaha Maraykanka ayaa ee isku dayay inay is-dilaan ayaa badatay laga soo bilaabo marka cudurka bilowday.
Mudo laga joogo 5 sano ayaa waxay ahayd mid dhif iyo naadir ah in caruur lakeeno cisbitaalada Maine kuwaaso laga dawaynayo isku dayga ay isku miidaaminayeen.
Waxan aragnaa ilmo 7-9 sano jira oo ku dhaqaaqay falka noocaas ah ayuu yiri Dr. Robyn ostrander, oo ah agaasimaha qaybta maskaxda caruurta iyo dhalinyarada, isagoo sheegay inay adag tahay in ilmo intan leeg uuku fikiro falka noocan ah balse way dhacdaa.
Maine iyo guud ahaan dalka ayaa tirada dhalinyarada qaangaadhka ah ee ku dhaqaaqaya arintan ayay tiradoodu kor usii kacday, halkaaso baaq loo dirayo caafimaadyada maskaxda iyo khubarada ka hortaga dilka kuwaaso ka hadlay adeeg bixinta caafimaad ee maskaxda.
Hadaba tiradan kordhaysa aya lagu tilmaamay inay ubadantahay gabdho kuwaaso isku biirsadeen niyad jab iyo dhaawacyo is gaaray.
Guud ahaan dalka oo dhan ayaa waxaa soo kordhay booqashada qolka gurmadka iyadoy isku day miidaamin ku dhaqaaqayaan hablaha da’doodu udhaxayso 12 ilaa 17 ayaa soo ifbaxday 2020 iyo bilihii ugu horeeyay ee 2021.isku dayga falkan ayaa ahaa mid 51 boqolkiiba ilaa bishii Maarso 2020 ilaa Maarso 2021.
Dhalinyarada oo si gaara looga halis qabo inay is dilaan sababo la xidhiidha inay carqaladaha daawaynta, caafimaadka maskaxda, isticmaalka maandooriyaha, ka walwalida caafimaadka qoyska, dhibaatooyin dhaaqale.
Laga bilaabo bisha Sebtembar , CDC da Maine waxay xoojinaysaa ka hortaga iyo ka wacyi galinta isdilka dhalinyarada kuwaasoo sheegay in laga maarmaan tahay in arintaa la sameeyaa.
This Post Has 0 Comments