skip to Main Content

Talaalka Pfizer ee Covid-19 ayaa ogolaansho buuxda ka helay waaxda FDA( maamulka cuntada iyo dawooyinka).

Maraykanka oo ogolaansho buuxda siiyay talaalka Pfizer ee Covid-19 maalintii isniinta ahyd,midan oo noqonoysa talaabo sare uqaadikarta kalsoonida ay dadwaynuhu ku qabeen isla mar ahaantaana kicinaysa shirkado badan.

Pentagon-ka ayaa sheegay inay inay ku hawl jiraan sidii ay cadaadis usaari lahayen in xubnaha milatarigu qaataan talaalka sida Maraykanka iyo aduunka oo dhan ugala dagaalamayaan cudurka faafa ee dheeraadka ah.

Wadada ay sameeyeen Pfizer iyo la hawl galaha Jarmalka Biontech ayaa hada waxay waxay ogolaansho xoogan ka haystaan maamulka Cuntada iyo dawooyinka, isla mar ahaantana aan horay uhaysan cadaymo lagu xukumo talaalka.

Talaaladu waa mid kamid ah hubkayaga ugu wayn ee ka dhanka ah fayraska ayuu yiri kusii simaha FDA Janet woodcock “ waxan rajaynaya in ogolaanshahani sii xooji doono kalsoonida lagu qabo talaalkan”.

Inkabadan kala badh dadka Maraykanka ayaa si toosa u qaatay talaalka, Ogolaanshahan lasiiyay talaalka Pfizer ee Covid-19 oo lagu salaynayo inuu la kulmo heerar tayadoodu sarayso kuwaaso aynu ku tiirsanahy maalin kasta ayuu yiri Dr. Jesse Goodman ooka tirsan jaamacada Georgetown, oo ah madixii hore ee talaalka FDA.

Bishan oy magaalooyinka New York, New orleans iyo San Francisco dhamaantood waxay kusoo rogeen shuruudaha talaalka, makhaayadaha, baararka, iyo goobaha kale, madaxwayne Joe Biden oo sheegay in shaqaaluhu sexeexaan foomamyo muujinaya inla talaalay hadii kale la gudbiyo baaritaan joogta ah.

Mudo todobaadyo ah ayaan arkayay kiisas aad uguso badanaya dadka aan la talaalin ayu yiri Dr. Tomas J Aragon. Oo ah agaasimaha waaxda caafimaadka California.

Dhanka kale lix dii bilood eelaso dhaafay oo lagaso qaatay daraasaadyo talaalku wuxu marayay 97% ee ka hortaga Covid-19.

Sido kale xogo kasocda xarumaha xakamaynta iyo ka hortaga cudurada ayaa waxay tilmaameen in talaalku wali qabanayo hawl fiican oo loga hortagi karo cudurka faafay.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top