skip to Main Content

9 qof oo ku dhimatay goob uu dhismo ka socday xaafadda Kilimani ee Nairobi

By abdinajb Abdullahi
Sagaal qof oo ay ku jiraan laba muwaadiin oo Shiinees ah ayaa dhintay ka dib markii wish ay kula burburay goob dhisme ka socotay ee xaafadda Hurlingham ee caasimadda dalka ee Nairobi.

Waxaa dhacdadan la soo tabiyay abaare 12.30 duhurnimo ee shalay.

Sarkaalka taliska qaybta booliska ee OCPD-ga ee xaafadda Kilimani Andrew Mbogo oo dhacdadan xaqiijiyay ayaa sheegay in mid ka mid ah dhibbanayaasha uu soo gaaray dhaawac halis ah islamarkaana loo qaaday isbitaalka Nairobi Women’s Hospital.

Bayaan ka soo baxay shirkadda Shiinaha ee fulineysa dhismaha, Zhejiang Chengjian Construction Africa, ayaa waxaa ay sheegeen in wiishka uu burburay xilli farsamayaqaannadu dejinayeen.

Meydadka ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee Chiromo Funeral home ee magaala madaxda dalka ee Nairobi.

xaquuqda weydhowrantahay: Boudless media

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top