By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Maxkamada sare ee Dalka kenya oo sii kordhisay mudada aan la addegsan karin xerrka maliyada’
By Ayanle Dhiire ( Boundless Media)
Garsooraha maxkamadda sare ee dalka ,Mugure Thande ayaa diiday inay meesha ka saarto amarkii horay dowladda dhexe looga hor istaagay dhaqangelinta xeerka maaliyadda ee sanadkan ee Finance Act 2023.
Maalinkii Arbacada ee toddobaadkii hore ayay ahayd markii wasiirka wasaaradda maaliyadda ee dalka Prof. Njuguna Ndung’u uu codsaday in meesha laga saaro amarkii ay maxkamadda si ku meel gaar ah ugu joojisay adeegsiga xeerka maaliyadda isagoo sheegayay in taasi ay ka dhalan doonto saameyn miisaaniyadeed oo waxyeelanaysa howlaha dowladda.
Waxay garsoore Thande hoosta ka xarriqday in dowladda gaar ahaan xeer ilaaliyaha guud Justin Muturi uunan soo bandhigin sababo ku filan oo la cuskan karo si xayiraadda loo qaado.
Waxay amartay in gal dacwadeedka arrinkan ku aaddan loo gudbiyo madaxa cadaaladda dalka Garsoore Martha Koome si ay u soo magacawdo guddi ka kooban ugu yaraan saddex xaakin si uu u dhageysto oo uu go’aan uga soo saaro kiiska ka dhanka ah xeerka maaliyadda
This Post Has 0 Comments