Skip to content

Duqa muqdisho oo ku baaqay in la dhiso waddo Burbursan

By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa dhagax-dhigay Laamiga Via Liberia ee isku xira Isgoyska Shaqaalaha iyo Waddada 21 Oktoobar ee degmada Waaberi, kaas oo muhiim u ah isu socodka bulshada iyo ganacsiga Caasimadda.

 

Munaasabadda dhagax-dhiga ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Degmada Waaberi, Agaasimeyaal, Odayaasha iyo Haweenka Degmada.

 

 

Dhismaha waddadan ayaa waxa ay qeyb ka tahay barnaamijka dalkaaga ku dhiso Hal dollar oo qorshuhu yahay in dadweynuhu ay kaalintooda kaga qaataan horumarka Muqdisho .

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho  Yuusuf Xuseen Jimcaale oo ka hadlayay dhagax-dhigga Wadadaan , ayaa tilmaamay muhiimadda ay u leedahay isu socodka Caasimadda, Isagoo ugu baaqay shacabka degmada in ay ilaalshadaan dhismaha wadadaan

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top