Nairobi (Boundless media) – Wasiirka difaaca Kenya, Aadan Barre Ducaale oo ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Kenya ayaa si adag uga hadlay weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso halkaas, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee wadanka Kenya.
Aadan Barre ayaa shaaca ka qaaday in dowladda Kenya ay qaadeyso tallaabooyin dheeraad ah, isla-markaana ay la tacaali doonto dhaq-dhaqaaqyada Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo in dhulka Kenya uu ahaado mid ammaan ah, loogana hortago khalkhal-gelinta amni darrada.
Wasiirka ayaa xusay in ciidamo dheeraad ah ay geyn doonaan xadka, isl-markaana aysan ogolaan doonin in mar kale ay Al-Shabaab weeraro argagixiso ka fuliso halkaasi.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in Kenya ay ka hortagi doonto in Al-Shabaab ay gabaad ka dhigato dalkeeda, haddi laga saaro Soomaaliya.
“Maleeshiyaadku waa in aysan gabaad ka helin Kenya marka laga soo saaro Soomaaliya. ciidamada Kenya iyo kooxaha kale ee amniga waa ay ka feejigan yihiin oo u adkeysanayaan in ay hoos u dhigaan falalka argagixisada la xiriira,” ayaa yiri Wasiir Aadan Barre Ducaale.
Waxaa kale oo uu ballan qaaday in wasaaraddiisu ay kordhin doonto awoodda ciidanka difaaca Kenya, si ay u helaan hub casri ah oo ay kula dagaalamayaan Al-Shabaab, si ay u hantaan amniga goobaha ay hadda weerarada ka geysteen xoogaga hubeysan ee Shabaab.
Kenya ayaa haatan wajaheyso weeraro joogto oo ay ku heyso Al-Shabaab, kadib markii todobaadyadii lasoo dhaafay ay gudaha dalkaas ka geystay dhowr isku day oo qaarkood khasaare culus lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya iyo sidoo kale dad shacab ah intaba.
Si kastaba, Kenya ayaa qayb ka ah waddamada la dagaalama kooxdan, waxayna ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, kuwaas oo qayb ka ah howlgalka milatari ee ATMIS.
xaquuqda weydhowrantahay:Boundless media
This Post Has 0 Comments