Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Maxkamada sare ee kenya oo Diiday in Ay Hor istagto dibadbaxyadii
By Ayanle Dhiire
Maxkamadda sare ee dalka laanteeda ismaamulka Nairobi ayaa diiday inay soo saarto amar lagu hor istaagaya dibadbaxyada ay isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja- One Kenya qorsheynayaan in ay dhigaan maalmaha Arbacada , Khamiista iyo Jimcada.
Tani ayaa timid ka dib dacwad uu maxkamadda geeyay qof lagu magacaabo Martin Gitau.
Shakhsigan oo uu matalayay qareenkiisa Adrian Kamotho Njenga, ayaa dacwadda ka gudbiyey madaxa isbeheysiga Azimio Raila Odinga, madaxweynihii hore ee dalka Uhuru Kenyatta, xisbiga ODM iyo isbeheysiga mucaaradka ee Azimio la Umoja-One Kenya .
Gitau ayaa maxkamadda u sheegay in haddii aynan dibadbaxyada hor istaagin in la carqaladeyn karo howlaha maalinlaha ee aqlabiyadda kenyaanka u hoggaansama xeerarka.
Hasa ahaate maxkamadda ayaa diiday inay tixgeliso codsiga Gitau waxaana kiiskan mar kale la soo hadal qaadi doonaa 20-ka bisha Sagaalaad ee sanadkan!
This Post Has 0 Comments