By isxaaq Waxaa magaalada muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirka madaxda dowladda dhaxe iyo maamulada…

Safaradaha Dalalka shisheye oo walac ka muujiy Xaaladaha kenya
By Ayanle Dhiire
Safiirrada dalkani Kenya ku matalo waddamada Maraykanka , Australia, Canada , Denmark, Finland,Jarmalka, Ireland,Netherlands, Norway,Sweden, Switzerland, Ukraine iyo Ingiriiska ayaa bayaan ay si wadajir ah u soo saareen waxay walaac uga muujiyeen xaaladda siyaasadeed ee hadda ka taagan Kenya.
Waxay sheegeen inay aad uga walwalsan yihiin dhimashooyinka ka dhashay dibadbaxyada iyo heerka sare ee rabshadaha.
Waxay sheegeen in xilligii ay dibadbaxyada mucaaradka ee Azimio socdeen in la adeegsaday rasaas nool sidoo kalena hanti la burburiyay.
Bayaanka waxaa ku cad in safiirrada ay qirayaan culeysyada maalinlaha ah ee ay wajahayaan dadka kenyaanka ah sidaasi awgeedna dhinacyada is haya ay ku boorrinayaan inay miiska wada hadalka isugu yimaadaan oo ay tabashooyinkooda ku xalliyaan wada xaajoodyo micno leh.
Danjirayaasha ayaa soo jeediyay in kala duwanaanshaha jira lagu dhameeyo si nabad ah oo laga shaqeeyo in si wadajir ah qaranka loo dhiso oo la xaqiijiyo in qof kale uunan dibadbaxyada ku dhiman.
Safiirrada ayaa bayaanka ku soo gabagabeeyay inay diyaar u yihiin in dhinacyada kala taagan ay garab ku siiyaan dadaal kasta oo lagu gaaraya xal nabadeed!
This Post Has 0 Comments