Skip to content

MW hore shariif sheikh axmed oo Shabeellaha dhaxe ka wada kulamo xal raadin ah

By isxaaq Rashiid Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ugaas Maxamuud Cali Ugaas, Imaam Daahir, xubno kamid ah Golaha Wasiirada HirShabeelle, Guddoomiyaha Sh/ Dhexe iyo madax kale ayaa gaaray degaanka Xaaji Cali ee Gobalka Shabeelada dhexe, waxayna halkaas ay kulamo kula leeyihiin dhinac kamid ah beelaha dhowaan ku dagaalamay inta u dhaxeysa Cadale iyo Raage-Ceelle.

Mas’uuliyiintaan ayaa xalay sidaan oo kale degmada Raage-Ceelle kula soo kulmay odayaasha dhinaca kale ee qeybta ka ahaa colaaddii maalmahaan ka taagneed Shabeelada Dhexe.

Labada dhinac ayaa  waxaay ku dhawaaqeen xabad joojin, iyada oo wixii hadda ka dambeeyo la guda geli doono wadahadalada labada dhinaca ee walaalaha ah.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top