Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa xalay noqotay xarunta rasmiga ah ee maamul cusub oo…

Gudoomiyaha gobolka banaadir o gudoomiyay shir looga hadlayay amniga Caasimadda
By isxaaq Rashiid Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa shir guddoomiyay shir looga gadlayay dardargalinta amniga Caasimadda kaas oo ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose Xamar.
Shirka Amniga looga hadlayay ayaa waxaa goob ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada ee Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaasha qeybta guud Gobolka Banaadir ee Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed iyo ciidanka nabad sugida iyo sirdoonka qaranka iyo sidoo kale saraakiisha ciidanka Nooloskiga sida Militariga u tabababaran .
Duqa magaalada Muqdisho Madaale ayaa warbixina Amniga qku saabsan ka dhageystay saraakiishii kulanka ku sugneyd isaga oo kula dardaarmay in la xoojiyo howlaha kor loogu qaadayo sugida amniga iyo la dagaalankan Maandooriyaha.
This Post Has 0 Comments