skip to Main Content

Maxkamadda gobolka banadir ayaa maanta bilowday dhageysiga qeybtii labaad dacwadda masuuliyiin loo heysto muqmaasuq

By isxaaq Rashiid Maxkamada gobolka Banaadir ayaa markii  labaad u Fariisatay dhageysiga  dacwada loo heysto sarakiil katirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo lagu soo Eedeeyay  Musuq maasuq.

Maxkamadda Gobolka Banaadie ayaa maanta la horgeeyay  Afar Eedeeysaneoo loo heysto dacwadda la xiriirta Musuq Maasuq iyo Catooyi Xoolo dadweyne

Eedeysanayaasha ayaa lagu kala magacaaba:

1 -Cabdulaahi Maxamuud Osoble,

2- Cumar Macalin Nuur,

3-Saabir Xasan Cabdinuur,

4- Aadan Maxamed Cabdi oo dhammaan loo haysto Eeed ku saabsan  xatooyo xoollo dadweyne lagu  soo eedeyay  Saraakiishan intii ay ka mid ahayen howlwadeenadda hay’adda  socdaalka iyo Jinisayada  Soomaaliya.

Afarta eedeysane ayaa ka mid ah 18-eedeysanayaal  oo xafiiska xeer ilaalintu ku soo eedeyay falal la xiriira Musuq maasuq.

Si  kastaba ha’  ahaatee ‘ hore ayaa  loo dhageystay dacwada 9-kamid ah eedeysanayasha iyo 8-maqanayaal ah oo Maxkamadda ay Baafin Saartay,islamarkana la filayo  in muddo saddon maalin ah gudahood ay maxkamadda ku horyimadaan.

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top