Skip to content

Qarax ka dhacay muqdisho iyo faahfahino laga helayo

By isxaaq Rashiid Qarax aad u xooganaa, isla markaana lamaqlay melo kamid ah demooyinka Waqooyi ee Gobolka Banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Xaafada Beexaani ee degmada Shibis, waxaana kasoo baxaya faah faahino kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Gaariga qaraxa lagu dhejiyay oo yaallay kasoo horjeedka Maqaayadda Rajo, isla markaana qofkii lahaa uu ku maqnaa Goob Jiim ah, isla markaana aysan jirin wax khasaaro ah oo ka dhashay.

Ciidamo katirsan laamaha Amniga Soomaaliya ayaa tegay Goobta uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo xiray dhamaan waddooyinka soo galay, kuwaas oo sameyay howlgallo baaritaano ah.

Weli lama xaqiijin waxa uu ahaa shaqsiga Gaariga qaraxa loogu xiray ee ka badbaaday, hayeeshee waxaa uu qaraxaan kusoo aadayaa xilli maalmihii la soo dhaafay amniga Magaalada Muqdisho uu ahaa mid sii xumaanayay

This Post Has 0 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Back To Top